Waxan ahy adoonkaaga


 Waxan ahay adoonkaaga


Mar walba wan dhoola cadayn doona waayo waxan ahy adoonkaaga.

Waxa aad I argtaa aniga oo kufaayo hadan waxad isiisa awood aan ku istaago, wayo waxan ahy adoonkaga.

Waxad I argtaa aniga oo awood isbidaayo markaana waad ii naxariisataa, waayo waxan ahay adoonkaga.

Waxad I argtaa aniga oo si hoose ku xusaayo markaasad adna si hoose ii xustaa,waayo waxan ahy adoonkaga.

Waxad I argtaa aniga oo fagaare kugu xusaaya markaasad adna fagaare kayga ka wangsan igu xustaa, waayo waxan ahy adoonkaga.



Waxan la noolahay sheeko jacayl oo aan la leeyahy Rabigayga.

Waxan rabaa in uu  ijeclaado,waxan rabaa in uu iga raali ahaado marwalba.

Jirkayga oo dhan adiga ayuu kugu qushuucayaa ai dulinimo leh,jacayl iyo cabsi ku dheehan,  ee rabiyow agtada iga qor naxariis iyo jacayl



Waayo waxan ahay adoonkaga,adiguna waxd tahy rabigayga.

Waxan dareemayaa farxad buuxda oo aan dhamanayn, waxaa igu filan in aad tahy rabigay, adigaana ugu wacan rabinimo.

Waxa igu filan in aad tahay gacaliyahayga,adigana ugu waxan gacliye.

Waxa igu filan in aad tahy dhaqtarkayga,adiga ayaana ugu waxandhaqtar.

Waxa igu filan in aad tahy quruxdayda,adiga ayaan ugu wacan qurux.

Waxa igu filan in aad tahy midka aan ku Tiirsanhay, cid lagu tiirsadan adiga ayaa ugu mudan.


Yaan adiga ahyn oo aan lahaa markii hore.

Codadka oo dhan waxy uheesayaan cida ay jecel yihiin, aniguna adiga ayaan kugu heesahyaa ai kalgacayl iyo jacayl ku dheehan gacaliyahaygoow.

Indhaha bini aadamka oo dhan waxay u hiloobayaan in ay la kulmaan qofkii ay jeclayeen, aniguna waxn uhiloobayaa aragtida wajigag quruxda badan gacaliyahygoow.


Maadama aan ahy adoonkaga madaxayga hoos u gayn maayo makhluuq, sidee taas ku dhacaysa adiga oo ah abuurah iyo ilaaliyaha.


Waayo waxn ahy adoonkaga.

Awoodayda tan ah, adiga ayaan kaa keenay rabiga ugu awooda badanoow

Yaa rabi, yaan haystaa oon adiga ahyn.


Adigu waad u naxariis badan tahy adoonkaga ee rabiyow adigu unaxariiso adoonkaaga adiga ku taagan. 

Anigu ma aanan la imaan salaad badan, soon badan ,sadaqo badan, xus badan lkn qalbigayga wuxu ku jecel yahy jacayl badan.


Qalbigayga adiga ayaa leh,caqligayga adiga ayaa leh midka ugu quruxda badanoow.



Marka uu Alle ku jeclaado waxa uu kuu noqonyaa dhagah aad wx ku maqasho, indhah aad wx ku arkayso, lugaha aad ku soconayso,iyo gacmah aad wx ku qabanyso.


Wax walba adiga ayuu rabi kuu abuuray, hadaba maxaad uga cabanysaa marka uu wx kaa qaado.


Aniga adiga ayaa ileh, noloshyda adiga ayaa leh, geeridayda adiga ayaa leh,camalkayga adiga ayaa leh.

Muxuu helay qofkii alle heli wayo.

Muxuu se wayay qofkii alle helo.



Rabiyow waxad tahy gacaliyahyga waxaad tahy jaculkagya waxad tahy rabigayga waxad tahy noloshayda waxd tahy qalbigayga.


Meesha kaliyaata een ku nasto, ku nafiso, ku ooyo, ku sujuudo, ku qushuuco, kuna farxo, naxariistan ka helo Waa xagag Rabigayooow.


Gabagabadii qofka buugan akhriyaa wxan hubaa inu jacaylka alle la qushuuci doono,Lana ooyi doono.



Post a Comment

Previous Post Next Post