Mar aan naftayda la hadalyay ayaan ku idhi......

  



Mar aan naftayda la hadalyay ayaan ku idhi.....


Mararka qaar waxa jira xilli ay san jirin cid kula jirtaa,xilli aan talefoon jirin,xilli aan saxiib jirin, xilli aan waalid jirin, xilli aan bursho jirin.

Waxa jira oo kaliya adiga iyo naftaada.

Waa habeen madow, aamusnan baa hareeraha ka buuxa, xidigaha cirka kama muuqdaan, wxa codan ma jiro.

Lkn gudahaaga waxa ka socda sheeko dheer,dood dheer, iyo su"aalo aan layska indho tiri karin.


Mar aan naftayda la hadalyay ayaan idhi....

Maxaad iga rabtaa❓️ Maxad iga fillaysaaa❓️

Waxaan dareemaya culays iyo Daal ruuxeed.waxa idul hoganaya su"aalo badanoo aan is iri.

Miyuu saxan yahay jidka aan ku socdo❓️

Ma ana iska horkeenaya dhibatooyinka aan la kulmaayo❓️

Mise waa tijaabo aan u baahnahay inan ka gudbo❓️

Naftaydu waxay aamus nayd in mudo ah.

Lkn markan is dajiyay oo aan qalbigayga furay,ayay si tartiiba iigu tidhi...


Waxaan kaa rabaa run. waxan ka raba inaad idhagysato. Waxaan kaa rabaa inad icafido. Waxan ka raba inaad ogolaato inadan qof walba u noqon karin wax walba. 

Inaad fahnto inaad wax walba samyn karto,

Oo aad waliba mudan tahay Jacayl iyo naxariis..


Hadaldaaas waxay I bareen in nafta bini"aadanku ayasan raadinayayn Dahab  magac,lacag ee waxay raadinysa uu yahay NABAD.

Nabad uu qofku la yeesho naftiisa,qalbigiisaiyo xasuustiisa.

Mararka qaar wuxu qofku dusha iska saara rajooyin aan isaga ahayn, wuxuna isku dayaa inu noqdo qof ayna naftiisu raali ka ahayn.

Lkn marka aad si dhaba udhagaysato naftaada way ku sheegaysa:

Ha isku dhex lumin dadka, Baro in aad isku filnaato kaligaa, Baro in aad jeclaato naftada,  Intaanad cid kale jeclaan, Jeclow naftaada.


Markasan idhi "Haye, malintaydan maanta waxan ku bilabayaaa run. Ma diidi doono cabsidayda. Ma qarin doono murugadayda. Mana ku Faanayo farxdayda.  


Waan is ogolaaan doona inaan is ahaado ANIGU.

 Waxan ka shaqayn doona noloshayda, sida mid aan anigu doortay oo kale.

Ee aan la igu qasbin..

Tan iyo malinkaas markaan daalo, niyad jabo, ama murugo iga soo boodo, waxaan Dib uxasuusan doona hadalkiii ay naftaydu igu tidhi.

Waxan dhagasataaa gudahyga,  isagoon qaylin, 

Waayo,waxa laga yaaba in dadka kale aysan fahmin waxa gudahayga ku jira, lkn anu waan fahmi kara hadiii aan doonayo.



MARKAA HADIII AAD NAFTAADA WAKHTI LA QAADATO HAKA BAQIN  WAXA AY KU SHEEGI KARTA.

XANUUN AAD GUDAHAAGA KU QARINAYSAY, HAA,  DAAWADIINA INAY KU SIISA LAGA YAABA.


TANINA WAA BILLOW CUSUB.




                       ILOVEMY SELF 





Post a Comment

Previous Post Next Post